4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 29, 2022
Mareykanka oo Soomaaliya ugu deeqay 111,150 qiyaasood oo ah tallaalka COVID-19

Jimco, Luulyo, 29, 2022 (HOL) - Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay Soomaaliya keenayso 198,900 oo qiyaasood oo ah tallaalka Pfizer COVID-19 ah.

Dowladda Mareykanka ayaa tallaalkaan usoo marsiinaya Soomaaliya, xarunta COVAX oo ka shaqeysa in si siman loo helo tallaallada COVID-19.

Shixnaddan ayaa qayb ka ah ballan-qaadka dowladda Maraykanka ee ku aadan, ka jawaabidda caalamiga ah ee masiibada COVID-19, iyadoo Maraykanku uu hoggaamiyo dardargelinta iyo qaybinta tallaalka COVID-19 .

Maraykankuna wuxuu ballanqaaday inuu bixiyo 1.1 bilyan oo tallaal oo COVID-19 ah oo adduunka oo dhan ah. Ilaa hadda, Maraykanku waxa uu in ka badan 575 milyan oo qiyaasood oo tallaal ah gaadhsiiyey in ka badan 115 waddan.

Sida uu sheegay madaxweyne Biden, Mareykanka waxaa ka go'an dadaallada tallaalka caalamiga ah, si loo badbaadiyo nolosha dadweynaha caalamka iyo soo afjarida masiibadan.