4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 28, 2022
Somaliland: Muwaadin reer Jabuuti ah oo dhaliila dowlada Jabuuti oo xabsiga laga siidayay
 

Khamiis, Luulyo, 28, 2022 (HOL) - Maxkamada Racfaanka ee Hargaysa, ayaa siidaysay Aare Sulaymaan Cawleed, oo muwaadin reer Jabuuti ah, oo muddo 2 bilood iyo 19 cisho ah xabsiga ugu jiray dhaliilo uu u jeediyay madaxweynaha Jabuuti awgeed.

Cawleed oo ah muwaadin reer Jabuuti ah oo muddo ku noolaa magaalada Gabilay ee Somaliland, ayaa dib u helay xoriyadiisa kadib markii maxkamadaha Hargaysa iyo Gabilay oo eedayntiisa ka garnaqay ay wax danbi ah ku waayeen.

Cawleed oo ah shakhsi caan ka ah aalada Tiktok, isla markaana aad u dhaliila hab maamulka madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa xabsiga la dhigay 20 bishii May ee sannadkan, kadib markii lagu eedeeyay in uu aflagaadeeyay madaxweynaha Jabuuti.

"Eedayntu waxay ahayd in uu Ismaaciil Cumar Geelle iyo qoyskiisa wax ka sheegey ... waxay ahayd Ismaaciil Cumar Geellow goordhaw waxad odhan doontaa inaga salaada galayna, hadana waxad tahay shaydaan" sida waxa BBC Somali u sheegay garyaqaanka u doodayay Cawleed.

Cawleed oo muddo daganaa magaalada Gabilay, ayaan tagi karin waddankiisa Jabuuti, cabsi uu ka qabo in dhibaato loogaysto, sidookale wuxuu sheegaa in aanu jeclayn in uu tago waddamada kale ee jaarka sida Itoobiya, cabsi uu ka qabo in loo dhiibo dowlada Jabuuti.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]