4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 28, 2022
Maamulka Jubbaland oo sheegay in la siyaasadeeyay lacago loogu talo galay gurmadka Abaaraha

Khamiis, Luulyo, 28, 2022 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta maamulka Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa ku eedeeyay Xukuumaddii hore ee Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iney siyaasadeeysay lacag hal Milyan oo doolar aheyd, islamarkaana loo qoondeeyay gurmadka Abaaraha.

Wasiir Cabdiraxmaan ayaa sheegay in lacagta halka Milyan ee doolar aheyd ay maamulka Jubbaland kasoo gaartay lacag dhan 10 kun oo doolar oo laba jeer loo soo kala diray, taasi oo uu ku tilmaamay ineysan aheyn mid sidii loogu talo galay loo maareeyay, islamarkaana uusan garaneyn halka lagu bixiyay lacagahii kale.

"Waxaa ina soo gaartay tiro laba jeer ah oo min 10 kun oo dollar ah oo ka mid aheyd lacag hal Milyan oo doolar ah oo loogu talo galay gurmadka Abaaraha, waxaana dhacday in lacagaha iyo deeqaha macaawinada ah ee loogu talo galay abaaraha ay noqdeen kuwo lagu raadsado saxiibtinimo ama xil Wasiir oo la siyaaaadeeyay" ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed.

Wuxuu intaasi ku daray wasiirka Qorsheynta Jubbaland in deeq kasta oo ka timaada Caalamka ay aheyd in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ay ka tashadaan sida loo qeybinayo, hayeeshee taasi ay meesha ka baxday oo dad gaar ah ay jeebka ku shubteen lacagahii gurmadka loogu talo galay.

Wasiir Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale sheegay in cabashadooda ku aadan hanaankii loo maareeyay lacagtaasi ay u gudbiyeen madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, oo isna kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya wax ka qabashada arrimaha abaaraha ee ka jira deegaanada maamulka Jubbaland.

Hadalkaan Maanta kasoo yeeray wasiirka Wasaaradda Qorheynta maamulka goboleedka Jubbaland ayaa kusoo beegmaya, iyadoo sanadahii dambe ee la soo dhaafay uu aad u xumaa xiriirka ka dhaxeyay maamulka Jubbaland iyo dowladii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Gabagabadii Wasiir Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dhawaan uu magaalada Kismaayo ku wajahan yahay Ergayga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo uu sheegay inuu horay ugala hadlay ineysan markale dhicin qaladaadka ay horay u sameeysay Xukuumadii hore, islamarkaana si siman loogu qeybiyo deeqaha gurmadka abaaraha dowlad goboleedyada dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]