4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 28, 2022
Sarkaal ka tirsanaa Booliiska Soomaaliya oo Maanta lagu dilay magaalada Muqdisho
 

Khamiis, Luulyo, 28, 2022 (HOL) - Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa Maanta degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Booliiska Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Cali Xasan Siyaad oo loo yaqiinay Cali Tariin.

Dableyda dilka u geystay Sarkaalka Booliiska Soomaaliyeed ka tirsanaa ayaa si deg deg ah uga baxsatay goobta ay ku dileen oo aheyd meel aanan ka fogeyn xerada ciidamada Sabansaban, taasoo u dhaw aargada degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa gaaray goobta lagu dilay Marxuumka, kuwaas oo howlgalo ka sameeyay halka lagu dilay Sarkaalka, hayeeshe majirto cid ay usoo qabteen falkaasi, waxaana markii dambe meydka ay u qaadeen xarunta dambi baarista CID-da.

Majirto cid sheegatay ilaa hadda masuuliyada dilka loo geystay Sarkaalka ka tirsanaa Booliiska, hayeeshee waxaa dilalka noocaan oo kale geysta islamarkaana masuuliyadooda sheegta dagaalamayaasha Al-shabaab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]