4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 28, 2022
Itoobiya oo war kasoo saartay dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Liyuu Booliska iyo Kooxda Al Shabaab
 

Khamiis, Luulyo, 28, 2022 (HOL) - Dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa markii u horreysay ka hadashay dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Liyuu Booliska degaanka Soomaalida iyo Ururka Al Shabaab.

Haddaba War mirtiyeed ay dowladdu kaga hadlayso arrinkaas ayay ku sheegtay in dagaalkii ka dhacay degmada Feerfeer lagu dilay inka badan 80 kamid ah kooxda Al Shabaab, sidoo kalena maxaabiis badan lagaga qabtay dagaalkaas.

Dhinaca kale waxaa War murtiyeedkan lagu xusay in xubno gaaraya ilaa 209 xubnood oo kamid ah kooxda Al Shabaab iyagana lagu dilay dagaal kale oo isna ka dhacay gobolka Afdheer oo ah gobolkii ay Al Shabaab kasoo gashay degaanka Soomaalida.

" Al-Shabaab damacoodu waxa uu ahaa in ay ka gudbaan degaanka Ceelkarri, si ay u gaaraan dhulka jooggiisu sarreeyo ee ka billowday halkaas iskuna xira deegaannada Soomaalida iyo Oromada, si ay khalkhal u sameeyaan Jabhadna halkaas uga noqdaan iyagoo ku biiraya kooxda Shene," ayaa lagu yiri war murtiyeedka kasoo baxay dowladda dhexe ee Itoobiya.

Ururka Shane oo ka go'ay Ururka OLF ee Oromada ayaa kamid ah Ururada hubaysan ee ka howlgala degaanka Oromiya ee dalka Itoobiya.

Waxyaabaha kale ee War murtiyeedka dowladda ku qornaa waxaa kamid ah in intii uu socday dagaalkan Al Shabaab laga furtay qalab Isgaarsiineed oo gaaraya ilaa afar qaybood.

Kooxda Al Shabaab ayaa geestooda billowgii dagaalka waxay sheegteen inay dileen Askar badan oo kamid ah Ciidanka Liyuu Booliska degaanka Soomaalida.

War murtiyeedkan kasoo baxay dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa kusoo hagaagaya xilli wali Al Shabaab ay ku jiraan gudaha degaanka Soomaalida, isla markaana aan wali lagu kala bixin dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Liyuu Booliska degaanka Soomaalida iyo Ururka Al Shabaab,

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]