4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 28, 2022
Booliiska Somaliland oo gacanta ku dhigay xayawaan si sharci daro ah looga ganacsanayay
 

Khamiis, Luulyo, 28, 2022 (HOL) - Ciidanka Booliiska Somaliland oo gacanta ku dhigay nin Masri ah, oo sifo sharci daro ah madaarka Cigaal ee Hargaysa, uga dhoofinayay ku dhawaad 150 xabo oo xayawaanka caashabadhida ah.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Somaliland Faysal Xiis, ayaa sheegay in ninka Masriga ahi, uu caado ka dhigtay in uu dhoofiyo xayawaanka ku dhaqan dhulka Somaliland, isla markaana sharciga la marin doono.

"Eedaysanahan hada lasoo qabtay waa nin Masri ah, waxaanu caado ka dhigtay in uu xayawaanka dalkeena kala baxo dalka, waana laga jasaa'i siin doonaa danbiga uu galay" ayuu yidhi Xiis.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in farobaas lagu hayo duurjoogta Somaliland, isla markaana uu booliisku dagaal kula jiro, dad ajaanib ah oo ku foogan ka ganacsiga noocyada kala duwan ee duurjoogta.

"Waxa baryahan danbe inagu soo noq noqotay in laysku dayo in khayraadkii dalkeena la gurto, taaso ay guranayaan dad ajaanib ahi, nasiib wanaag ciidanka booliisku isagoo arrinta ka hortagaya wuu qabtaa, waxaana kamid ah, diinka, caashabadhida, shimbiraha, dirxiga iyo ugaadha, Harimacadka, waanaa markii saddexaad ee la qabto" ayuu yidhi Xiis.

Sidan oo kale, ayaa 10, March, 2020,  nin Masri ah loogu qabtay madaarka Hargaysa, isaga oo dhoofinaya 300 oo caasbobadhi ah, sidookale 13, September 2021, ayaa hadana nin Masri ah oo dhoofinaya 200 oo caashobadhi ah loogu qabtay isla madaarka Hargaysa.

Ma cadda in ninka hada la qabtay iyo nimankaa hore ay isku hal nin yihiin iyo in kale, inkasta oo afhayeenku sheegay in eedaysanaha hada la qabtay uu dhowr jeer isku dayay in uu duurjoogta Somaliland si sharci daro ah ku dhoofiyo.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]