4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 27, 2022
Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw lagu dilay guddoomiyahii degmada Marka
 

Arbaco, Luulyo, 27, 2022 (HOL) - Warar hordhac oo haatan kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka degmada Marka Caddey ee gobolka Sh/hoose  ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ku dhintay guddoomiyahii degmada Marka Cabdullaahi Cali Waafoow iyo xubno kale oo ka tirsanaa maamulka degmada Marka, askar iyo dad shacab ahaa.

Qaraxa Ismiidaaminta ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo laga maqlay guud ahaan magaalada Marka, waxaana tirada dhimashada lasoo sheegaya iney kor u dhaaftay 10 ruux, islamarkaana uu dhaawaca intaasi ka badan yahay, sida ay kusoo waramayaan dadka deegaankaasi.

Xaalada magaalada Marka ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana goobta qaraxa uu ka dhacay isku gadaamay ciidamo ka tirsan kuwa amniga magaaladaasi, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha amaanka degmada iyo maamulka gobolka Sh/hoose oo ku aadan qaraxa goordhaw gilgilay magaalada Marka Caddey.

Lasoco waxii kusoo kordha wararkan

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]