7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 26, 2022
Jaamacadda Carabta oo sheegtay inay wax ka qabanayso dhibaatooyinka abaaraha ee Soomaaliya
 

Talaado, Luulyo, 26, 2022 (HOL) - Ururka Jaamacadda Carabta, ayaa shaaca ka qaaday inay si buuxda diyaar ugu yihiin inay Soomaaliya ka taageeraan abaaraha, waxbarashada iyo caafimaadka.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli xoghayaha jaamacadda Carabta, Aboul Gheit iyo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ay maanta ku kulmeen xarunta Jaamacadda Carabta ee Qaahira.

Axmed Aboul Gheit, iyo madaxweynaha Soomaaliya, ayaa kawada hadlay sidii wax looga qaban lahaa abaaraha iyo sugnaanta cunnada ee Soomaaliya, lagana gudbo dhibaatooyinka iyo caqabadaha kale ee uu dalku marayo.

Kulanka dhexmaray xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta iyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa la isku dhaafsaday aragtiyo dhowr ah oo la xiriira xaaladda Soomaaliya iyo caqabadaha ka jira.