7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 26, 2022
Wararkii u dambeeyay ee dagaallada u dhaxeeya Ciidanka Liyuu Booliska iyo kooxda Al Shabaab
 

Talaado, Luulyo, 26, 2022 (HOL) - Wararkii u dambeeyay ee dagaallada u dhaxeeyay Ciidanka Liyuu Booliska iyo kooxda Al Shabaab ayaa sheegaya in maanta ay degganayd xaaladda goobihii maalinimadii shalay lagu dagaallamay ee degmada Feerfeer.

Dhinaca Xukuumadda Dowlad degaanka Soomaalida waxay sheegeen inay dileen 85 kamida ah kooxda Al Shabaab, ayna ka furteen qalab tiro badan, iyagoo sidoo kale soo bandhigay tiro Maxaabiis ah oo ay leeyihiin waa Al Shabaab, balse sheegashada dowladda ma jirto ilo madax banaan oo xaqiijin kara.

Geesta kale waxaa iyagana dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabaab kusoo biiray Militariga Itoobiya oo bilowgii dagaalka dusha un ka daawanayay, iyagoo Ciidamada Militariga Itoobiya loo kala diray dhinaca xadka labada dal, iyo waliba goobaha haatan looga shaki qabo inay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan kooxda Al Shabaab.

Dhinaca kale Madaxwene Mustafe cafjar iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan goobihii uu shalay ka dhacay dagaalku ee degmada Feerfeer, isagoo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Gobolka Shabelle.

Maanta oo Talaado ah ayaa wararka qaar sheegayaan in dagaalo ay ka soconayaan goobo kamid ah gobolka Afdheer, inkastoo dagaaladaasi ay yihiin kuwo googoos ah.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]