7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 26, 2022
Askari dhawaan dilay taliye ku xigeenkii NISA ee Maamulka Galmudug iyo Walashiis oo Maanta dil toogasho ah lagu fuliyay
 

Talaado, Luulyo, 26, 2022 (HOL) - Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 21-aad ayaa Maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay  Axmed Cabdi Xasan oo loo yaqiinay Dhagadheere, kaaso 17-kii bishaan gudaha degmada Caabudwaaq ku dilay Allah u naxariiste taliye ku xigeenkii Nabadsugida Galmudug Faarax Cumar Geelle iyo Walaashiis Xaawo Cumar Geelle.

Xukunka dilka toogashada ah ayaa ka dhacay fagaare ku yaala degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxaana goobjoogayaal ka ahaa helada labada dhinac iyo dadweyne kale oo soo daawasho tagay xukunka toogashada ah.

24-kii bishaan ayay aheyd markii Maxkamada ciidamada qalabka sida ay Axmed Cabdi Aadan Dhagadheere ku riday xukun dil toogasho ah, kadib markii lagu helay inuu maqaayad ku taala degmada Cabudwaaq uu ku dhex dilay taliye ku xigeenkii ciidanka Nabadsugida Galmudug iyo Walaashiis.

Bulshada magaalada Caabudwaaq iyo ehalada marxuumiintii uu dhawaan dilay Axmed Dhagadheere ayaa soo dhaweeyay xukunka dilka toogashada ah ee isna Maanta ku fuliyay Maxkamada ciidamada qalabka sida.

Marxuumka Maanta xukunka dilka toogashada ah lagu fuliyay ee Axmed Cabdi Xasan Dhagadheere ayaa ka mid ahaan jiray qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]