7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 26, 2022
Madaxweyne Mustafe cagjar " Amniga degaanka khalkhal kuma keeni karto Al Shabaab"
 

Talaado, Luulyo, 26, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar ayaa bartiisa Facebookga ku soo qoray in Amniga degaanka Soomaalida aysan khalkhal galin karin kooxda Al Shabaab.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in cid kasta oo ka dambaysa Al Shabaab aysan ammaanka degaanka dhibaato u keeni karin, isagoo yiri " Waxaan ku kalsoon ahay in Ammaanka degaanka ayna sina ku khalkhalin karin Argagixisada Al Shabaab, cid kasta dabada ha ka riixdee. Halkani maaha halkay moodeen".

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu u mahad celiyay dhammaan shacabka degaanka Soomaalida ee taageerada buuxda u muujiyay Ciidanka Liyuu Booliska, isagoo yiri " Waxaan si wayn ugu mahadnaqayaa Shacabka degaanka Soomaalida ee muujiyay midnimo aan horay loo arag, is garab taagayna halyeeyadooda".

Madaxwayne Mustafe cagjar ayaa tan iyo intii uu dagaalku bilowday ku sugnaa Gobolka Afdheer iyo Shabelle, isagoo mar walba dhiirigalin u muujinayay Ciidanka Liyuu Booliska.

Madaxwaynaha ayaa farriimaha uu kusoo qoro baraha bulshada wax dhaafsiisan aan kaga hadal xaaladaha hadda ka socda degaanka Soomaalida, iyadoo si guud aysan Warbaahinta Itoobiya iyo tan degaanka aysan si faahfaahsan uga hadal colaadda hadda kasoo korodhay dhinaca xuduuda u dhaxaysa Itooboya iyo Soomaaliya.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]