7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 26, 2022
Diyaarado dagaal oo Xalay duqeymo ka geystay deegaanka Tooratooroow ee gobolka Sh/hoose
 

Talaado, Luulyo, 26, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Tooratooroow ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in halkaasi Xalay saqdii dhexe diyaarado dagaal ay ka fuliyeen duqeymo culus.

Deegaanka Xalay la duqeeyay ee Tooratooroow ayaa ka mid ah deegaanada ay sida weyn ugu xoogan yihiin dagaalamayaasha Al-shabaab, hayeeshee lama oga khasaaraha rasmga ah ee ka dhashay duqeymahaasi Xalay lagu garaacay deegaanka.

Dad goobjoogayaal ah oo codsaday inaan magacooda loo adeegsan warbaahinta ayaa sheegay in diyaaradaha duqeymaha geystay ay ahayeen laba diyaaradood, islamarkaana ay si gaar ah u beegsadeen xarmaha ay ku shaqeeyaan Al-shabaabka ku sugan deegaankaasi.

Goobjoogayaasha waxay sidoo kale sheegeen in labada diyaaradood mid ka mid ah ay dhulka usoo degtay, islamarkaana ciidamadii saarnaa ay ka xeysteen ku dhawaad 10 ruux oo ka mid ahaa dadka deegaanka, kuwaas oo ay ku tuhmayeen iney Shabaab ka tirsan yihiin.

Lama oga dowladda iska leh diyaaradaha duqymaha Xalay ka geystay deegaanka Tooratooroow, hayeeshee waxaa duqeymaha noocaan oo kale ka fuliya deegaanada Shabaab ku sugan yihiin dowladdaha Mareykanka yo Kenya.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab oo ku aadan duqeymaha Xalay ka dhacay deegaanka Tooratooroow iyo khasaaraha ka dhashay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]