7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 25, 2022
Masar iyo Soomaaliya oo kawada hadlay biyo-xireenka Nile iyo khataraha ku geedaaman

Isniin, Luulyo, 25, 2022 (HOL) - Dowladdaha Masar iyo Soomaaliya ayaa mowqif isku mid ah oo hal dhinac ah ka qaatay, mashaariicda wabiga caalamiga ah ee Niil, sida lagu yiri war ka soo baxay madaxtooyada Masar.

War-murtiyeedka ayaa la soo saaray ka dib wada-hadallo magaalada Qaahira ku dhex maray madaxweynaha Masar Abdel Fattah El Sisi iyo madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Maxamuud oo markii ugu horreysay booqasho ku tagay Masar tan iyo markii uu ku guulaystay doorashadii bishii May.

Baaqooda wadajirka ah ee iskaashiga mashaariicda wabiga Niil, wuxuu kusoo aaday, iyadoo Itoobiya ay webiga Niil ku waddo hawlgal biyo xireen ah oo xuddun u ahaa muran muddo soo jiitamayay oo kala dhexeeya dalalka Masar iyo Sudan.

"Waxaan ku heshiinay khataraha siyaasadaha hal dhinac ah ee ku saabsan mashaariicda wabiyada caalamiga ah, iyo sidoo kale ka go'naanta iskaashiga labada dhinac, si loo hubiyo in aan waxyeello loo geysan webiyada," ayaa lagu yiri bayaanka madaxtooyada Masar kasoo baxay.

Masar, oo ah dalka Carabta ugu dadka badan oo ay ku nool yihiin 103 milyan oo qof, ayaa ku adkaysanaysa in haddii la dhimo biyaha Niilka ay baabi'in karto boqollaal kun oo shaqooyin ah oo ay khalkhal geliso dheelitirka cuntada, xilli qiimaha cuntada adduunka uu sare u kacayo iyada oo ay weheliso tamarta iyo kharashka dhoofinta.

Dhankeeda, Suudaan waxa ay doonaysaa in Itoobiya ay la wadaagto xogta tooska ah ee ku saabsan hawlgalka biyo-xidheenka si ay uga fogaato fatahaado baabi’in kara dalkeeda.

Itoobiya, oo biyo-xireenka dhisaysa meel 20 kiiloomitir u jirta soohdinta Suudaan, ayaa ilaa hadda diiday inay gasho heshiis sharci ah, iyadoo sheegtay in habraacyadeedu ku filan yihiin.

Wareegii ugu dambeeyay ee wada-hadallada saddexda dal ee GERD ayaa la qabtay bishii April ee sannadkii hore. Wada-hadallada oo ay garwadeen ka ahaayeen Midowga Afrika ayaa burburay, iyadoo Suudaan iyo Masar ay ku eedeeyeen Itoobiya inay mas'uul ka tahay is-mari-waaga.