7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 25, 2022
Dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Liyuu Booliiska iyo Al-shabaab oo haatan ka socda nawaaxiga degmada Feer Feer

Isniin, Luulyo, 25, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Feerfeer ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaasi ka qarxay dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Liyuu Booliiska iyo ciidamada Al-shabaab oo habeen hore ka gudbay xadbeenaadka Hiiraan uu la wadaago dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dagaalka ayaa lasoo warinayaa inuu ka socdo deegaanka Laasqurun oo 20 KM u jirta degmada Feerfeer, waxaana la sheegaya in dagaalka uu yimid kadib markii ciidamada Liyuu Booliska weerar ku qaadeen goob ay isku aruursanayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka goordhaw ka bilaawday degaanka Laasqurun oo u dhaxeysa degmooyinka Feerfeer iyo Shilaabo ee gobolka Shabeelle ee dowlad deegaanka Itoobiya.

Shalay ayey aheyd markii la xaqiijiyay in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo gaaraya 200 oo askari ay ka talaaben xadbeenaadka gobalka Hiiraan uu la wadaago gobolka Shabeelle ee deegaanka Soomaali Galbeed Itoobiya.

Dagaalka haatan socda ayaa noqonaya kii labaad oo ay Al-shabaab kaga dhex dagaalanto gudaha dowlad deegaanka Itoobiya, waxayna maalmo kooban ka hor ay kula dhex dagaalameen ciidamada Liyuu Booliiska deegaano ka tirsan gobolka Afdheer oo xaduud beenaad la leh gobolka Bakool.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]