7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 25, 2022
Faahfaahino kasoo baxaya weerar dhexmaray Al-shabaab iyo Ciidanka Booliiska dalka Kenya
 

Isniin, Luulyo, 25, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar jidgal ah oo qarax ku bilaawday oo ay dagaalamayaasha Al-shabaab ku qaadeen kolanyo gaadiid ah oo ay la socdeen saraakiil ka tirsan Booliiska Kenya, xili ay marayeen wadada Fino Sheekh Barrow ee gasha magaalada Mandhere ee dalka Kenya.

Weerarka ayaa bilawday kadib markii mid ka mid ah gaadiidka ciidanka Kenya ay haleeshay miino nooca dhulka lagu aaso ah, waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, hayeeshee lama oga khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray Al-shabaab iyo ciidanka Kenya.

Sarkaal ka tirsan Booliiska Kenya oo la hadlay warbaahinta dalkaasi ayaa sheegay in weerarka uu qabsaday xili ay ka yimaadeen deegaano Fino, islamarkaana ay iska difaaceen weerarka Al-shabaab kaga yimid, hayeeshee muusan sheegin wax khasaare ah oo gaaray dhankooda.

Halka uu weerarka ku dhexmaray ciidanka Kenya ito Al-shabaab ayaa ah meel u dhaw xaduud beenaadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo kenya, waxaana dagaalyahanada Shabaab ay marar badan ka dhex dagaalameen deegaana ku yaala gudaha dalka Kenya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]