7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 25, 2022
Barlamaanka Soomaaliya oo raysal wasaare Xamse u sameeyay muddo kordhinta magacaabidda golaha wasiiradda
 

Isniin, Luulyo, 25, 2022 (HOL) - Golaha shacabka Soomaaliya ayaa ogolaaday codsi uu ra'isulwasaare Xamse Cabdi Barre usoo gudbiyay, kaasoo ah in muddo toban maalmood ah loogu daro soo magacaabista golihiisa cusub ee wasiirada.

144 xildhibaan, ayaa ogolaaday codsiga raysal wasaaraha ee muddo ku kordhinta soo dhisida xukuumadiis. Hal xildhibaan ayaa ka horyimid, mana jirin wax ka aamusay.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Samatar oo kulanka shir guddoomineysay ayaa natiijada coddaynta ku dhowaaqday.

Barlamaanka Soomaaliya ayaa 25-ka bishii hore ee June xasaanadda siiyay raysal wasaare Xamse. Wuxuu raysal wasaaruhu dastuuriyan xaq u lahaa inuu muddo 30 cishe gudaheed kusoo dhiso xukuumadda, wayna ka dhamaatay.

Arrintaan kusoo aadaysa iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh uu ku maqan yahay booqashadii todobaad ah uu dibadda ku tago 60 maalmood gudahood ah.

Madaxweynaha iyo raysal wasaaraha ayaa si gaar ah ugu jiro wadatashi ku aadan dhismaha xukuumada.