7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 25, 2022
Musharax Cirro: 13 November hadii aan doorasho qabsoomin kursigu wuu inoo simanyahay
 

Axad, Luulyo, 24, 2022 (HOL) - Kadib burburka ku yimid wadahadaladii mucaaradka iyo xukuumada Somaliland xisbiga Waddani, ayaa ku dhawaaqay in uu dib u bilaabayo mudaharaadadii, ay ku dalbanayeen qabashada doorashada madaxtooyada.

Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo warbaahinta la hadlay, ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan bannaanbaxyo nabadeed.

"Waxan ugu baaqayaa taageerayaasha xisbiyada mucaaradka in ay si balaadhan oo qorshaysan ugu diyaargaroobaan in dib loo bilaabi doono bannaanbaxyadii nabadeed" ayuu yidhi musharax Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa uu ku hanjabay in mucaaradku ay aqoonsiga kala noqon doonaan madaxweyne Biixi hadii doorashadu dib u dhacdo "Marka la gaadho 13 November hadii aan dooraaho qabsoomin kursigu wuu inoo simanyahay".

Waxa uu madaxweynaha ku eedeeyay in uu ka baxay balamihii uu horay u qaaday oo ay ugu muhiimsanaayeen in uu doorashada wakhtigeeda ku qaban doono, iyo in uu dhagaysan doono talada waxgaradka, waxaanu sheegay in dhinacoodu sameeyeen waxkasta oo ay u arkayeen in khilaafka lagu dhamayn karo.

Waxa uu sheegay in xisbiyada mucaaradka ahi ay yihiin cida masuuliyada koobaad ka saarantahay la xisaabtanka xukuumada iyo badbaadinta siyaasada, waxa uu tilmaamay in ay gudanayaan waajib akhlaaqi ah oo xisbiyadu shacabka kaga wakiil yihiin.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]