7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 25, 2022
Ganacsatada Qaadka kalasoo daga Muqdisho oo sheegay in lacago baad ah looga qaado garoonka Aadan Cadde
 

Isniin, Luulyo, 25, 2022 (HOL) - Qaar kamid ah ganacsatada Jaadka ugasoo dago magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya lacago sharci darro ah oo ay sheegeen in looga qaado garoonka Aadan Cadde.

Mid kamid ah ganacsatadan oo wareysi siiyay BBC, ayaa sheegay in halkii kiilo oo Jaadka Miirowga ah laga qaadayo qiimo dhan hal dollar, taas oo ka dhigan in halkii jawaan oo Jaad ah laga qaadayo lacag dhan 100 dollar.

Wuxuu sheegay xildhibaanno iyo shakhsiyaad kale oo magaca dowladda adeegsanaya inay ganacsatada ka qaadayaan lacago ay ugu yeereen ”Commission”, taasoo ay sheegeen inay tahay lacago sharci darro ah oo baad ah.

Ganacsadahan wuxuu sheegay, shalay qaadkii kasoo dagay garoonka Aadan Cadde, in saacado dhowr ah loo haystay lacagahan, taasoo uu sheegay in markii dambe lasii daayay kowdii duhurnimo iyo badh.

“Waxaa la yaab nagu noqotay inay dowladdii Soomaaliyeed arkayso raggaas baadda diyaaradda u xannibay, waxna ay ka qaban weydo,” ayuu yiri ganacsadaha.

Wuxuu ugu baaqay madaxda dalka inay soo faragaliyaan arrintaan islaamarkaana ay tallaabo ka qaadaan shakhsiyaadka magaca dowladda ku qaadanaya lacagaha aan sharci ahayna, kuwaas ganacsigooda lagu dhibaataynayo, sida uu hadalka u dhigay.

Arrintaan ayaa kusoo aadaysa maalin kadib markii si rasmi ah dowladda Kenya ay u bilowday dhoofinta Jaadka Miirowga oo muddo labo sano ah ka xayirnaa Soomaaliya.