7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 25, 2022
Raysal wasaare xamse oo maanta barlamaanka weydiisanaya in la siiyo fursad kale uu ku soo dhiso Golaha Wasiirada
 

Isniin, Luulyo, 25, 2022 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta lagu wadaa inuu baarlamaanka ka codsado in la siiyo waqti dheeri ah si uu u soo dhiso xukuumad.

Shalay, guddoonka barlamaanka Soomaaliya ayaa ku wargaliyay xildhibaannada inuu jiro kulan ay la qaadanayaan raysal wasaare Xamse oo codsaday inuu yimaado barlamanka.

Raysal wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu muddo toban cishe ah ka codsado barlamaanka inay siiyaan si uu usoo dhiso xukuumadiisa, maadaama ay maanta ku egtahay muddadii bisha ahayd ee uu kusoo magacaabi lahaa wasiiraddiisa.

Barlamaanka Soomaaliya ayaa 25-ka bishii hore ee June xasaanadda siiyay raysal wasaare Xamse. Wuxuu raysal wasaaruhu dastuuriyan xaq uleeyahay inuu muddo 30 cishe gudaheed kusoo dhiso xukuumadda.

Arrintaan kusoo aadaysa iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh uu ku maqan yahay booqashadii todobaad ah uu dibadda ku tago 60 maalmood gudahood ah.

Golaha wasiiradda ayaa lagu waday in la shaaciyo sabtidii lasoo dhaafay, hase ahaatee safarada madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ku keenay dib udhac.