7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 25, 2022
Bankiga horumarinta Afrika oo ansixisay $5.4 milyan oo deeq ah oo lagu taageerayo sugnaanta cuntada ee Soomaaliya

Isniin, Luulyo, 25, 2022 (HOL) - Bankiga horumarinta Afrika (AfDB), ayaa ansixiyay $5.4 milyan oo deeq ah oo lagu taageerayo sugnaanta cuntada ee Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee Bankiga Horumarinta Afrika ee Bariga Afrika, Ms Nnenna Nwabufo ayaa sheegtay in lacagtan ay wax ka tari doonto saameynta abaarta daba dheeraatay iyo saameynta ka dhalatay colaadda Ruushka iyo Ukraine, taas oo sii xoojisay haqab-beelka cuntada ee dalka Geeska Afrika.

Nwabufo waxay yiri "deeqdu waxay ka kooban tahay maalgelin dheeraad ah oo la siinayo barnaamijka caalamiga ah si loo dhiso u adkeysiga sugnaanta cuntada iyo nafaqada."

Waxay ku dartay in ay si gaar ah u geyn doonto abuur tayo leh oo ah noocyada calafka xoolaha ee cimilada la jaan qaadaya, isla markaana awood u siin doonta in la sameeyo bangiyo calafka xoolaha ah ee bariga Afrika.