7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 25, 2022
Howlgalo lagu soo qabqabtay ku dhawaad 100 ruux oo Xalay laga sameeyay degmada Kaaraan
 

Isniin, Luulyo, 25, 2022 (HOL) - Ciidamo ka tirsan Booliiska gobolka Banaadir ayaa Xalay howlgalo ay ka sameeyeen xaafadaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir kusoo qabqabtay qaar ka mid ah Ciyaal weerada iyo kooxaha hubeysan ee dhaca ka geysta degmadaasi.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Cabdifataax Aadan Xasan ayaa warbaahinta u faahfaahiyay howlgalka ciidamada Booliiska qeybta Bari ay xalay ka sameeyeen degmada Kaaraan oo uu sheegay iney ka mid aheyd meelaha ugu daran dhinaca amniga oo ay cabashada badan ka muujinayeen shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Wuxuu sheegay afhayeenka Booliiska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan in howlgalkii Xalay ay ciidamada kusoo qabqabteen 74 qof oo isugu jira kooxo hubaysan oo dhac ka geeysanayay xaafadaha degmada Kaaraan iyo Ciyaal weero watay ilaa kontameeyo Isugu jira Tooreeyo, iyo Baangado kuwaa oo uu sheegay inaan horay loo arag noocoodu.

Howlgalkaan loogu magaca daray Samakaab ayaa xiliga habeenkii ah ciidamada amaanka waxay ka sameeyaan xaafado ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir oo mudooyinkii dambe falalka amaan daro si aad ah ugu soo kordhayeen.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]