7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 23, 2022
Dowlad deegaanka Soomaalida oo sheegay inay soo afjareen Shabaabkii gudaha u galay gobolka Afdheer
 

Sabti, Luulyo, 23, 2022 (HOL) - Golaha ammaanka ee dowlada Deegaanka Soomaalida, ayaa shaaciyay in la soo afjaray kooxdii Alshabaab ee afarta maalmood ka hor duulaanka kusoo qaaday gobolka Afdheer.

Golaha ammaanka ayaa sheegay, in kadib markii ay ciidamada xoogga gaarka ee DDS ay ku hareereyeen aaga "Hulhul", la laayay dhammaan dagaalamayaashii Alshabab.

Waxay sheegeen Alshabaab in ujeedkooda iyo damacoodu ahaa in ay galaan deegaanka Oromiya iyagoo raba in ay sii maraan degmada Ceelkari oo ay ku biiraan kooxda Shane.

“Argagixisada naf la caariga ee Al shabaab iyagoo aan gaadhin halkii ay u socdeen ayaa waxaa laga gubay 13 Baabuur oo ay wateen, waxaana laga qabtay dhamaanba Hub, isgaadhsiin iyo Agabkii ay wateen,” ayaa lagu yiri bayaanka ciidamada.

Hawlgalka ay ciidamada xoogga gaarka DDS ay qaadeen saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, waxay sheegeen inay ku dileen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanayd Alshabaab.