7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 23, 2022
Midowga Yurub oo doonaya in ay dhexdhexaadiyaan xukuumada iyo mucaaradka Somaliland
 

Sabti, Luulyo, 23, 2022 (HOL) - Ergayga dowladda Finland u qaabilsan Geeska Afrika Suldaan Siciid Axmed, oo kulan la qaatay madaxda xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa sheegay in uu danaynayo in uu dhexdhexaadiyo xukuumada iyo mucaaradka isaga oo matalaya Midowga Yurub.

Qoraal lagu daabacay hoga Facebook ee xisbiga Kulmiye kulanka kadib, ayaa lagu sheegay in ergaygu uu doonayo in uu dhexdhexaadin ka gaysto khilaafka doorashooyinka ee ka dhexeeya xukuumada iyo mucaaradka Somaliland.

"Ergayga dowladda Finland ee Geeska Afrika Suldaan Siciid Axmed oo ah nin reer Somaliland ah, isla markaana ay wehelinaysay Cawo Axmed oo ka tirsan safaaradda Finland ee Nairobi, waxa uu sheegay inuu danaynayo isagoo ka wakiil ah Midowga Yurub inuu dhexdhexaadin ka galo khilaafka arrimaha doorashooyinka ee ka jira Somaliland".

Dhankooda madaxda xisbiga Kulmiye oo faah faahin ka bixiyay qodobada ay isku hayaan mucaaradka iyo muxaafadka Somaliland, ayaa ergayga u sheegay in dhinacooda ay diyaar u yihiin dhexdhexaadin iyo wadahadalkasta oo lagu soo afjarayo khilaafka taagan.

Suldaan ayaa sidookale maalmihii lasoo dhaafay kulamo la yeeshay madaxda axsaabta mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, isagoo kala hadlay khilaafka ka taagan doorashooyinka iyo waxyaabaha laysku hayo.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]