7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 23, 2022
Shixnaddii ugu horreysay ee Jaadka Mirowga oo maalinta berrito ah loo dhoofinyo Soomaaliya
 

Sabti, Luulyo, 23, 2022 (HOL) - Shixnaddii ugu horeysay ee Jaadka Miirowga Kenya, ayaa lagu wadaa in ay u ambabaxdo Soomaaliya, maalinta berrito ah oo ku beegan 24-ka Luulyo 2022.

Hay'adda Beeraha iyo Cunnada (AFA) iyo wasiirka Beeraha dowladda Kenya, ayaa ku dhawaaqday in la dhameeyay dhammaan nidaamyadii loo marayay dhoofinta Miraa.

Hay’addu waxay sheegtay in 22 Ganacsato ah loo ogolaaday shatiga dhoofinta Jaadka, kuwaas oo buuxiyay sharuudihii ku xirnaa.

Beeralayda Jaadka Miiraa ayaa ka xayirnaa suuqyada Soomaaliya tan iyo bishii Maarso 2020 sababo la xiriira cudurka faafa ee COVID-19, iyo khilaafaadka labada dowladdood oo saamayn ku yeeshay.

Xaalada ayaa isbedeshay kadib wadahadalo laba geesood ah oo dhex maray Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.