7/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 23, 2022
Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo Maanta ka dhacay degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan
 

Sabti, Luulyo, 23, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Maanta uu qarax miino ka dhacay Koontaroolka Cigaal oo ku yaala Koonfurta magaalada Buula burte.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miino nooca meelaha fogfog laga hago waxaana lala eegtay ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya oo ku sugnaa barta koontarool.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa miino ku dhintay sadax askari oo ka mid ah ciidanka Militariga Soomaaliya, waxaana sidoo kale  ku dhaawacmay laba askari oo kale.

Qaraxa kadib ayaa ciidamada dowladda howlgalo waxay ka sameeyeen agagaarka goobta uu qaraxa ka dhacay waxayna kusoo qabqabteen shaqsiyaad ay sheegeen iney ugu shakiyeen ku lug lahaanshaha qaraxa miino ee sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca leh.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay masuuliyada qaraxa miino ee Maanta ka dhacay degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan, hayeeshee qaraxyada moocaan oo kale ah waxaa masuuliyadeeda sheegta dagaalamayaasha Al-shabaab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]