7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 23, 2022
Guddoomiyaha deegaanka Yeed oo faahfaahin ka bixiyay dagaalo culus oo ka dhacay deegaankaas
 

Sabti, Luulyo, 23, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha deegaanka Yeed ee gobolka Bakool Cabdisalaan Duwane Cumar oo ka hadlay dagaalo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaankaasi ayaa sheegay in ku dhawaad 72 saacadod ay dagaal isku hor fadhiyaan dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo kuwa Liyuu Booliiska dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Guddoomiye Duwane ayaa sheegay in dagaaladii dhacay maalmahii lasoo dhaafay ay sababeen dhimasho, dhaawac farabadan iyo cabsi lasoo deristay dadka deegaanka oo xaaladdooda is badeshay kadib markii dagaal xooggan uu ka dhacay deegaanka.

Waxuu intaasi ku daray guddoomiyaha deegaanka Yeed iney ka go'an tahay soo afjarida dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab oo wali ku sugan meelo aanan ka fogeyn deegaanka Yeed ee gobolka Bakool.

“Al-Shabaab wayna dul fadhiyaan oo waxaa naga go’an inaan iska fogeyno oo u celino meelihii ay kasoo duuleen tageen, nimanku labo qayb ayay ahaayeen, waxay ka gudbeen Yeed iyo Caato oo isu jira 45 KM, kama aanay warqabin, kolonyo Gaadiid culus ayay wateen, waxayna galeen dhul haro ah oo ka tirsan tuulooyin 130 KM inoo jira oo dhanka Afdheer ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ka tirsan” ayuu yiri guddoomiye Cabdisalaan Duwane Cumar.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha deegaanka Yeed in qorshaha ugu weyn Al-shabaab ay usoo wareerareen deegaanka uu ahaa sidii ay ugu sii gudbi lahayeen gudaha deegaanada dowlad deegaanka Itoobiya.

“Ciidamo ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ka hor yimid, weerarkaas waxa uuna keenay saameyn culus, gaadiidka ay wateen waxa uu ahaa 18 gaari oo dadkii arkay inoo xaqiijiyeen halka ciidanka uu dhamaa 400 oo askari, fikiradaha ayaa u kala duwanaa oo kuwo ayaa rabay inay na mashquuliyaan halka kuwa kalena ay raben in ay gudaha u galaan dowlad deegaanka” ayuu yiri guddoomiyaha Yeed oo la hadlay Cabdisalaan duwane.

Hadalka kasoo yeeray guddoomiyaha deegaanka Yeed ayaa kusoo beegmaya xili Al-shabaab iyo ciidanka Liyuu Booliiska ay labada dhinacba guulo ka kala sheegteen dagaaladii dhexmaray saacadahii lasoo dhaafay, waxaana wali jirta cabsi kale oo laga qabo inuu dib u qarxo dagaal kale oo dhexmara labada dhinac oo aanan wali ka kala fogeyn meelahii ay ku dagaalameen.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]