7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 23, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in ay xoojiyeen codisga ku biirista dallada EAC
 

Sabti, Luulyo, 23, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo la qaatay madaxda ka soo qeyb galay shirka dallada Bulshada Bariga Afrika EAC, ayaa xoojiyey ololaha ansixinta codsiga ku biirista Soomaaliya ee dallada EAC.

Inkastoo dib loo dhigay ansixinta codsiga ku biiriska Soomaaliya ee EAC, haddana wuxuu madaxweynuhu soo bandhigay fursadaha dhaqaale iyo doorka xooggan ee ay Soomaaliya ka qaadan karto horumarka dalladan iyo saameynta ay ku leeyihiin gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxda dalalka Dallada Bulshada Bariga Afrika (Eac), fursadda ay u siiyeen in uu sii xoojiyo codsig Soomaaliyeed ee ku aaddan ku mid noqoshada dalladdan.

Sannadka dambe ayaa laga sugayaa inay dowladda Soomaaliya kusoo celiso warbixinteeda shir madaxeedka EAC 23aad ee Arsusha, si loo dadajiso in golaha EAC ay ansixiyan codsiga Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay maanta dib ugusoo laabtaan dalka, isagoo soo gabagabeeyay socdaal labo cishe qaatay oo uu ku tagay dalka Tanzania.