7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 22, 2022
Codsiga Ku biirista Soomaaliya ee urur goboleedka EAC oo dib loo dhigay
 

Jimco, Luulyo, 22, 2022 (HOL) - Codsiga dowladda Soomaaliya ee ku biirista dallada bulshada Bariga Afrika ee EAC, ayaa dib loo dhigay sida lagu sheegay war-saxaafaddeed kasoo baxay gunaanadka shirka EAC ee ka socday magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

Dowladda Soomaaliya ayaa loo sheegay inay shirka 23aad ee sannadka dambe warbixinteeda usoo gudbiso golaha shir madaxeedka EAC.

Shir madaxeedka waxaa lagu sheegay inaan si degdeg ah lagu xaqiijin karin aqoonsi siinta dowladda Soomaaliya ee ku biirista dalladan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-gelay shirkan, ayaa gudbiyey codsi rasmi ah oo ku aaddan kamid noqoshada Soomaaliya ee dalladan.

Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud, ayaa sheegay in dadaal badan dowladdiisu ku bixisay sidii dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga mid noqon lahaayeen EAC.