7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 22, 2022
Guddiga amniga Midowga Afrika oo codsaday in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka
 

Jimco, Luulyo, 22, 2022 (HOL) - Guddiga amniga iyo nabada ee Midowga Afrika ayaa sheegay inay Soomaaliya caqabad ku tahay cunaqabataynta hubka ee saaran, iyagoo ku baaqay in laga qaado.

Guddiga ayaa sheegay inaan Alshabaab laga guulaysan karin haddii aysan ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa ATMIS aysan helin hub casriya oo ku filan oo ay kula dagaalamaan kooxda Alshabaab.

Guddoomiyaha guddiga amniga midowga Afrika, Cabdi Maxamed Haybe, ayaa sheegay, inay Qaramada Midoobay u gudbiyeen codsi ah sidii hub loo siin lahaa ciidamada Soomaaliya iyo kuwa kale ee Midowga Afrika.

“Marka ninka aad la dagaalamaysid aad isku hub tihiin, lama kala adkaanayo. “Waa ijiid aan ku jiidee”, dadkiina way sii dhammaanayaan, guulna la gaari maayo. Marka waa in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta ama laga qafiifiyo,”ayuu yiri.

Golaha ammaanka ayaa sannadkii hore kordhiyay cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya, iyagoo sheegay ama aaminsan in weli hub sharci darro ah la galiyo Soomaaliya.

Dhowaan, dowladda Soomaaliya ayaa midowga Afrika ka codsatay in laga qaado cuqabataynta hubka ee saaran.