7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 22, 2022
Ciidamada Liyuu Booliiska oo sheegay inay dileen ku dhawaad 100 katirsan dagaalamayaasha Alshabaab
 

Jimco, Luulyo, 22, 2022 (HOL) - Ku dhawaad 100 ka tirsan dagaalamayaasha Alshabab ayaa lagu dilay howlgal ciidamada Liyuu Booliiska ka fuliyeen gobolka Afdheer, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii ay kooxda Alshabaab weerar ku qaaday gobolka Afdheer, halkaas oo ay askar badan oo katirsan Liyuu Booliiska ku laayeen.

Saraakiisha Liyuu Booliiska ayaa sheegay in deegaano hoostaga degmada Hargeelle ee gobolka Afdheer ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ay ku hareereeyeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo wata hub iyo gaadiid dagaal.

Hoggaanka sare ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in uu socdo howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab balse ma aysan soo hadal qaadin khasaaraha ka dhashay dagaaladii u dambeeyay ee dhexmaray labada dhinac.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cagjar, ayaa ciidamada faray in  feejignaadaan, isla markaana ay xoojiyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.