7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 22, 2022
Ciidamada Liyuu Booliiska oo wada howlgallo ka dhan ah Shabaabkii gudaha u galay gobolka Afdheer
 

Jimco, Luulyo, 22, 2022 (HOL) - Wararkii u dambeeyay ee laga helayo gobolka Afdheer oo ah halkii ay kasoo galeen Al Shabaab ayaa sheegaya in dagaal kharaar oo dhex maray Al Shabaab iyo Ciidamada Liyuu Booliska degaanka Soomaalida kaddib, in kooxda Al Shabaab ee gudaha usoo galay degaanka Soomaalida lagu hareereeyey goobta lagu magacaabo Hulul oo kamid ah degmada Hargeelle ee dowlad degaanka Soomaalida.

Xabbada ayaa ahayd mid qabow intii xalaynimo oo ma jirin wax dagaal ah iyo xabbad toona oo xalay laga maqlayay goobtan la sheegay in lagu hareereeyay kooxda Al Shabaab ee gudaha usoo galay dowlad degaanka Soomaalida, iyadoo sidoo kale la sheegayo in gaadiidkii ay wateen Al Shabaab kuwii la gubay mooyee ay intii kale ka carareen sida qaar kamid ah hay'adaha amniga degaanka Soomaalidu sheegeen.

Ciidamada dowlad degaanka Soomaalida ee loo yaqaano Liyuu Booliska ayaa geestooda sheeganaya guulo, sidoo kale waxay hay'adaha amniga degaanku sheegeen in Ciidamada Liyuu Boolisku hadda ku sugan yihiin Aato iyo Yeed.

Way adag tahay in la helo warar ka madax banaan sheegashada labada dhinac ee dhanka khasaaraha dagaalkan, walina ma jiro Mas'uul dowladeed oo ka hadla dhacdadan.

Warbaahinta dowladda Itoobiya iyo tan degaanka Soomaalida ayaa iyaguna geestooda aan ka hadlin dagaaladan ay kooxda Al Shabaab kusoo qaaday dowlad degaanka Soomaalida.

Dadka degaanka ayaa su'aalo iska waydiinaya sababta aan ilaa hadda looga hadlin weerarka Al Shabaab ay kusoo qaaday degaanka Soomaalida, iyadoo Warbaahin dowladeed iyo Masuul dowladeed midna ka hadlin arrintan.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]