7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 22, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo si rasmi ah u gudbiyay codsiga ku biirista dallada EAC
 

Jimco, Luulyo, 22, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-gelay shir hordhac u ah Shir-Madaxeedka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa u gudbiyey codsi rasmi ah oo ku aaddan kamid noqoshada Soomaaliya ee dalladan.

Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud, ayaa sheegay in dadaal badan dowladdiisu ku bixisay sidii dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga mid noqon lahaayeen EAC.

 “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta arko calankii Soomaaliyeed oo ka dhinac babbanaya calamada dalalkiinna, waxaanna rajaynayaa in uu sidaas ahaado sanaddada soo socda. Soomaaliya waa dal aad hodan u ah. Waxa aannu leennahay khayraad macdan, xoolo iyo kuwo beero. Intaas waxa ka muhiimsan in aannu leennahay bulsho ganacsiga ku fiican.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in muhiimad weyn ay gobolka ugu jirto in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqoto dalladdan, isaga oo xusay in mustaqbalka dhaqaale iyo bulsho ee dalalka geeska Afrika uu yahay mid isku lammaan.

“Mustaqbalka waddamadani waa uu isku xiran yahay, Soomaaliyana ma doonayso in ay culays idinku ahaato. Taas beddelkeeda, waxa aannu rabnaa in aan noqonno dal waxtar leh oo wax ku soo kordhiya dalalkan muhiimka ah. Sidaasi awgeed, aniga oo ku hadlaya magaca shacabka Soomaaliyeed, waxa aan hortiinna ku soo gudbinayaa codsi rasmi ah oo ku aaddan kamid-noqoshadeenna dalladdan,”ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dalalka Geeska Afrika uga mahadceliyay taageerada ay la garab taagnaayeen Soomaaliya soddonkii sanno ee la soo dhaafay ee uu dalku la tacaalayay duruufaha kala duwan iyo martigelinta ay waddamadaasi u sameeyeen dadka Soomaaliyeed ee u soo qaxay.