7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 20, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo maalinta berrito ah ku wajahan dalka Tanzania
 

Arbaco, Luulyo, 20, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdi hoggaaminayo ayaa maalinta berri oo khamiis ah ku wajahan magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

Madaxweyne Xasan Sheikh, ayaa halkaas uga qeyb galaya shir madaxeedka urur goboleedka Bulshada Bariga Afrika ee loo soo gaabiyo EAC.

300 oo ka qaybgalayaal ah oo ka socda waddamada iskaashiga, ganacsatada gaarka ah, bulshada rayidka ah iyo la-hawlgalayaasha horumarineed, ayaa la filayaa inay ka qayb galaan shirkan.

Shirkan waxaa looga hadlidoonaa, in la qaado tillaabooyin istiraatijiyadeed oo wax looga qabanayo dib-u-dhacyada iyo caqabadaha hab maamuuska suuqa guud ee dalalka ku bahoobay EAC, iyo sidoo kale, in lagu heshiiyo meelaha muhiimka u ah iskaashiga horumarka ganacsiga.

Sannadkii 2018, Soomaaliya ayaa gudbisay codsi ku aadan inay ku biirto ururkan, oo ay ku midaysan yihiin 7 dal oo kal ah; Kenya, Tanzani, Uganda, Burundi, Ruwanda, South Sudan iyo Congo.

Madaxda ururkan ayaa sheegay xilligaas, inay Soomaaliya usoo dirayaan koox horudhac ah si ay u qiimeeyaan heerka diyaargarowga ee Soomaaliya.

Balse, illaa iyo waqtigaas kadib ma jirin wax war ah oo dambe oo kasoo baxay EAC.

EAC waa mid ka mid ah ururada dhaqaalaha gobolka ee wadamada Saxaraha ka hooseeya, waxaana ay horumar weyn ka sameeyeen isku dhafka dhaqaalaha wadamada xubnaha ka ah.

Waxay sameeyeen ganacsi oo xor ah, waxayna ka shaqaynayaan sidii loo heli lahaa suuq la wada leeyahay.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa haatan ah guddoomiyaha ururkan EAC, waana mid kamid ah dalalka ugu saameynta badan ururkan.