7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 20, 2022
Madaxweynaha Somaliland oo ka jawaabay eedaha mucaaradku u jeediyeen
 

Arbaco, Luulyo, 20, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in wadahadalada oo socda ay madaxda mucaaradku cadhoodeen oo ay ka baxeen.

Madaxweyne Biixi ayaa ku andacooday in madaxda mucaaradku ay iyaga oo cadhaysan u yimaadeen guddida dhexdhexaadinta, kadibna ay ku yidhaahdeen, shacabka ayaanu la hadlaynaa, hadii aydaan waxba na dhexdheaadinayn.

"Labadii oday waxay igu yidhaahdeen nimankii way noo yimaadeen, niman cadhaysan oo waxay ahaayeen  leh hadaydaan noo gar qaadayn waanu iska tagaynaa, waxayna nagu yidhaahdeen shicibka ayaanu la hadlaynaa" ayuu yidhi Biixi.

Waxa uu sheegay in kadib markii mucaaradku wadahadalka ka cadhoodeen, ay guddoomiyayaasha golayaasha ee dhexdhexaadinayay, u sheegeen in uu isagu madaxweyne ahaan xaalada dajiyo oo aanu wax talaabo ah qaadin.

Waxa uu sheegay in mucaaradku diidan yihiin isla markaana ay isaga ku khilaafsanyihiin in urrurada cusub ee hada la furay, ay doorashada madaxweynaha galaan, taasi oo uu sheegay in ay go'aan kii maxkamada kasoo horjeedo.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland oo Salaasadii shalay warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in guddida dhexdhexaadintu ay u sheegeen in madaxweyne Biixi aanu kalsooni ku qabin howlahooda dhexdhexaadineed sida darteedna ay iyagu tashadaan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]