7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 20, 2022
Galdogob: Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Miino ku qaraxday dad safar ah
 

Arbaco, Luulyo, 20, 2022 (HOL) - Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday, dad kalena way ku dhaawacmeen, Qarax miino oo haleelay gaari dad shacab ah ay la socdeen oo marayay meel u dhow degmada Galdogob.

Guddoomiyaha degmada Galdogob ee gobolka Mudug ee Puntland, Cabdiqafaar Sheikh Ibraahim, ayaa gaaray goobta uu Qaraxa Miino kula kacday dadka shacabka ah ee safarka ahaa.

Wuxuu sheegay guddoomiyuhu in darawalkii gaariga uu ku geeriyooday qaraxa, halka uu dhaawac culus soo gaaray dadkii rakaabka ahaa.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay hay'adaha Miina-saarka ka shaqeeya, in ay si rasmi ah uga shaqa bilaabaan degmada Galdogob oo uu sheegay inay ku aasan yihiin Miinooyin badan.

Wuxuu sheegay, in miinooyinkaan ay aaseen ciidamadii dirirtu dhexmartay ee Soomaaliya iyo Ethiopia sanadkii 1977 iyo kuwii ka dambeeyey.

Waa Qaraxii 4-aad oo sanadkan ka dhaca Galdogob iyo deegaannada ku teedsan.