7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 20, 2022
Ra'iisul Wasaare Xamse oo guddoomiyey kulanka iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee ammaanka
 

Arbaco, Luulyo, 20, 2022 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ku shir-guddoomiyey kulan ku aaddan iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee ammmaanka dalka iyo la-dagaallanka Alshabaab. isagoo kulamo la qaatay wakiillo ka socday Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika oo soo gaaray Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadal ka jeediyey shirkan, ayaa uga mahadceliyey Midowga Afrika wuxuu ugu yeeray naf-hurnimada ay sameeyeen ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in ay Soomaaliya isu diyaarinayso guluf weyn oo ka dhan ah kooxda Alshabaab, si loo furo waddooyinka muhiimka u ah gargaarka iyo isu-socodka, isagoo dalbaday isku-xirnaan iyo wadajir dhinaca hawlgallada ah.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay kor u qaadi doonto tayada iyo kartida hay’adaha amniga, si ay ula wareegaan masuuliyadda amniga dalka, sida ku xusan go’aankii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 2628.

“Si taas lamid ah, dowladdan waxa ka go’an in sare loo qaado wacyiga dadweynaha iyo abaabulka qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ku jiraan culimada, odayaasha dhaqanka, ganacsatada, haweenka iyo dhallinyarada, si qolo walba ay intii karaankeeda ugu biiriso dadaallada aan ugu jirno ciribtirka argagaxisannimada,” ayuu yiri raysal wasaare Xamse.

Xamse waxaa uu dalbaday in la joogteeyo taageerada la siiyo Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, isagoo ballan-qaaday in ay diyaar u yihiin iskaashi dhow iyo isku-xir wanaagsan oo lagu xaqiijinayo adkaynta guulaha la gaaray.