7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 20, 2022
Qarax khasaare geystay oo Maanta ka dhacay degmada Afgooye
 

Arbaco, Luulyo, 20, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu Maanta ka dhacay qarax miino oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa la sheegay inu ahaa noociisa miinada soo booda, kaasoo ka dhacay wadada Haantadheer ee gasha Suuqyada Ariga iyo Khudaarta degmada Afgooye xili halkaasi ay marayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Qaraxa miino ee Maanta ka dhacay Afgooye ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday hal askari oo magaciisa lagu soo koobay Muqtaar, waxaana ku dhaawacmay sadax ruux oo kale oo shacab ah.

Ma jirto cid sheegatay masuliyadda qaraxa miino ee Maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, waxaana weerarada noocaan oo kale ah ee inta badan ka dhaca degmada Masuliyaddooda sheegta Al-Shabaab.

Axadii lasoo dhaafay ayay aheyd markii qarax Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari Xamuul ahaa uu ka dhacay gudaha magaalada Jowhar, kaasoo geystay khasaaraha dhimashada 1 ruux iyo dhaawaca14 ruux oo kale oo ay ka mid yihiin wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo waliba burbur aad u baaxad weyn, waxaana qaraxaasi la sheegay inuu ahaa qaraxii ugu weyna abid oo ka dhaca magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]