7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 20, 2022
Xisbiga Waddani: Taageerayaasha xisbigu ha u diyaar garoobaan go'aan qadhaadh
 

Arbaco, Luulyo, 20, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in ay mudaharaad u diyaar garoobaan, kadib markii wadahadaladii doorashadu guuldaraysteen.

Xogeeyaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ku yidhi “Taageereyaasha xisbigana waxa aanu u sheegaynaa in ay  u diyaar garoobaan go’aan qadhaadh.”

Xogeeyaha ayaa sheegay in ay galeen wadahadalo ay ogaayeen in aan guul laga gaadhi doonin, isla markaana ay ixtiraameen ergadii ka koobnayd haldoorka bulshada, si loo helo Somaliland nabada.

"Si loo helo Somaliland ah qaran nabada oo leh nidaam dowladeed shuruucda iyo xeerarku hagaan,  waxa aannu aqbalnay in mudanta iyo haldoorka qaybaha kala duwan ee ummadani ay xal nala raadiyaan, taas oo aannu ku galnay wadahadallo aannu ognahay natiijo la’aanta ay ku dhammaanayaan" ayuu yidhi Khadar.

Waxa uu sheegay in dhibaatadu ka taagantahay madaxweynihii oo doonaya in uu Somaliland dhibaateeyo, waxana uu sheeegay in ay in badan ka meer meerayeen in ay dhibaato dhacdo lakiin  maanta ay diyaar u yihiin.

"Waxaa caddaatay in ayaandarrada haysata maandeeq ay tahay ninkii isagu dheefteedana keli ku ahaa oo haddana doonaya in uu bahalaha u baylihiyo. Haddii aannu in badan ka hor taagnaynna, maanta waa aanu la qaadannay, karis xun Iyana ku wax la" ayuu yidhi Khadar.

Wadahadaladii u socday xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa guuldaro kusoo dhamaaday Salaasadii shalay, iyaga oo mucaaradku sheegeen in  madaxweyne Biixi uu ka baxay wadahadalka.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]