4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 2 , 2022
Fannaanadii waynayd ee Soomaaliyeed Khadra Daahir Cige oo geeriyootay
 

Sabti, Luulyo, 2, 2022 (HOL) - Khadra Daahir Cige oo kamid ahayd fannaaniinta ugu caansan looguna jecelyahay ee abid soo mara fanka Soomaalida ,ayaa ku geeriyootay magaalada Hargaysa iyada oo 65 sanno jir ah.

Khadra ayaa isbitaalka International Hospital oo ku yaala magaalada Hargaysa ugu geeriyootay xannuunka oofwareenka oo kusoo booday 25 bishii Juun kadib markii ay marawaxad shidatay xili ay jidhka soo maydhatay (qubaysatay).

Khadra waxay sannadkii 1957 ku dhalatay magaalada Hargaysa ee caasimada Somaliland, isla Hargaysa ayayna fanka kaga biirtay sannadkii 1974 iyada oo 17 sanno jir ah, sida uu sheegay xeel dheere fanneed Cumar Seerbiya.

Heesaha ay ku luuqaysay ayaa lagu qiyaasaa 2,550 heesood oo jacayl iyo calaacal u badan, heesahaas oo Soomaalidu ku sheegto in ay qaar badan oo kamid ahi nolosheeda taabanayeen, lakiin anay iyadu marnaba si faahfaahsan uga hadal,  sida uu sheegay wariye Maxamed Cabdi Boosh oo aqoon u lahaa.

Fannaaniita caanka ah ee ka tacsiyooday geerida Khadra ayaa waxa kamid ah fannaanada Nimco Dareen oo qoraal ay bogeeda Facebook ku baahisay ku tidhi "Allah ha u naxariisto hooyo Khadra Daahir Cige qoyskeedii iyo dhamaan umada Somaliyeed na Alle samir iyo iimaan haka siiyo".

DJ Subeer oo kamid ah dadka ugu caansan fanka Soomaalida wakhtigan, ayaa qoraal uu ku baahiyay Facebook, fannaanada ku sifeeyay in ay ahayd qof nasaba "Khadra Dahiir Ilahay janada Fardowsa ha ka warabiyo nasab kaamila bay ahayd maamo Khadra Daahir waxan leeyahay ubadkeeda ehelkeda iyo dhamaan shacabka Somaliyeed samir iyo imaan dhamaanteen alle ha inaga wada siiyo".

Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax, ayaa isna fannaanada Alle jano u waydiiyay "Alle SWT ha u naxariisto, Janooyinkiisa ha geeyo marxuumad Khadra Daahir Cige oo hadda ku geeriyootay isbitaalka International ee Hargeis, Alle danbigeeda ha dhaafo, su'aashana haw-fudaydiiyo".

Khadra Daahir, ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay daganayd magaalada Hargaysa, iyadoo sheegtay in ay fankii iskaga baxday, waxayna ifka kaga tagtay 5 caruura.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]