4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 2 , 2022
Ciidamada Kenya oo 10 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ku dilay Keymaha Boni
 

Sabti, Luulyo, 2, 2022 (HOL) - Ciidamada Difaaca Kenya ayaa sheegay in ay dileen 10 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalena ay soo furteen hub badan, intii lagu guda jiray howlgal ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen keynta Boni ee gobolka Lamu.

War kasoo baxay taliska difaaca Kenya, ayaa lagu sheegay in ciidamada Kenya ay howlgalka ka sameeyeen inta u dhaxeysa deegaanada Sarira iyo Kolbio ee ka tirsan dhulka howdka ah ee Boni Forest, halkaasi oo ay ku dileen dagaalamayaal cusub oo dhawaan tababar loosoo xiray.

Taliska difaaca Kenya waxa uu sheegay dagaalamayaasha Alshabaab ee howlgalka lagu dilay in ay ka tirsanaayeen kooxda Jeysh Ayman ee uu hogaamiyo Macalin Ayman, oo ah saraakiisha sare ee Alshabaab ee dhinaca Kenya.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Al-Shabaab ay burburiyeen qalab isgaarsiineed oo ku yaalay gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Alshabaab ayaa adeegsata istaraatiijiyad ugaar ah oo inta badan ay isticmaasho marka ay kooxdu isku diyaarineyso inay qaado weeraro ka dhan ah ciidamada Kenya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]