4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 2 , 2022
Al-shabaab oo sheegatay in qarax miino ay ku dileen 5 askari oo ka tirsan ciidanka ATMIS
 

Sabti, Luulyo, 2, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka nambar 60 ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in qarax miino lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada ATMIS ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika, kuwaas oo kusii jeeday magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose.

Qaraxa haleeyay kolanyada ATMIS ayaa la sheegay inuu noociisu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac leh oo gaaray ciidamada ATMIS.

Dagaalamayaasha Al-shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxa miino ee qabsaday mid ka mid ah kolanyada ciidamada ATMIS, ayaa bartooda Internetka ku shaaciyay in qaraxaasi miino ay ku dhinteen 5 askari oo saarna gaarigii qaraxa uu haleeyay, islamarkaana tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa miino ayaa barqanimadii Maanta ka dhacay deegaanka nambar 60 oo dhaca duuleedka magaalada Marka Cadeey ee gobolka Sh/hoose, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka taliska ciidamada ATMIS oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa miino ay masuuliyadiisa sheegatay Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa inta badan weeraro isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah la beegsata ciidamada howlgalka nabad ilaalinta  Midowga Afrika ee ATMIS iyo kuwa dowladda Fedaraalka Soomaaliya Saldhigyada ay ku sugan yihiin iyo xiliyada ay ku socdaalayaan wadooyinka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online