4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 2 , 2022
Geel ku sumoobay geedo ay daaqeen oo ku dhintay duleedka magaalada Jigjiga
 

Sabti, Luulyo, 2, 2022 (HOL) - Ku dhawaad 124 neef oo Geel ah ayaa ku dhintay duleedka caasimadda degaanka Soomaalida ee Jigjiga, kaddib markii ay ku sumoobeen geed ay daaqeen oo ku yaalay aaggaas.

Geelan oo ka koobnaa 150 neef oo geela ah ayaa waxa uu kasoo hayaamay dhinaca degmada Xarshin ee gobolka Faafan, isagoo ku socday degmada Gursum ee isla gobolka Faafan, balse markii uu geelu soo gaaray duleedka magaalada Jigjiga ayaa geedo sun ahaa oo uu daaqay waxay sababeen dhimashada ku dhawaad 124 neef oo Geel ah.

Mid kamid ah dadkii geelan lahaa oo la socday geela ayaa Warbaahinta u sheegay in geela intii ay dhexda kusoo jireen uu meelo kala duwan ka daaqay geedo dhawr ah, oo uu ku jiro geedka Ciinka loo yaqaano kaddibna ay arkeen geelii oo dhimanaya.

Dhinaca kale dhakhaatiir ka socotay Xafiiska Xoolaha ee degaanka Soomaalida ayaa gaaray goobtan uu geelu ku dhintay, si ay usoo baaraan waxa keenay in geelu ku sumoobo geedahan, sida ay Warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah masuuliyiinta Xafiiska Xoolaha ee dowlad degaanka Soomaalida.

Dr Maxamuud Maxamed oo ah Agaasinka waaxda Caafimaadka ee Xafiiska hormarinta Xoolaha ee dowlad degaanka Soomaalida, ayaa Warbaahinta u sheegay in xafiisku uu goobta ay dhibaatadu ka dhacday ee geelu ku dhintay ay u direen koox dhakhaatiir ah oo daryeel u fidiyay geela inta ka samata baxday suntan, isagoo xusay in wixii hadda ka dambeeya uu xafiisku wacyigalin siin doono dadka xoola dhaqatada ah, si ay xoolahooda ula socdaan geedaha ay daaqayaan.

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii labaad ee ka dhacda degaanka Soomaalida, iyadoo hadda ka hor sidan oo kale uu geel badan oo daaqay geedo sun ah ay ugu dhinteen degmada Gursum ee gobolka Faafan.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]