7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 18, 2022
Itoobiya : Golaha sare ee Arrimaha Islaamka dalka Itoobiya oo loo doortay maamul cusub

Isniin, Luulyo, 18, 2022 (HOL) - Shir ay isugu yimaadeen dhammaan xubnaha Golaha sare ee Arrimaha Islaamka ee Itoobiya iyo kuwa degaannada dalka ayaa lagu doortay maamul cusub oo saddexda sano ee soo socoto hoggaamin doona golahan.

Guddomiyaha Golaha sare ee Arrimaha Islaamka dalka Itoobiya ayaa loo doortay Sheekh Xaaji Ibraahim Tufa, halka labo ku xigeenno iyagana la doortay iyo mid xoghayn ah.

Horey waxaa xilka guddoomiyenimo ee golahan u hayay Sheekh Mufti Xaaji Idris oo xilkan hayay tan iyo wixii ka dambeeyay isbaddelkii ka hana qaaday dalka Itoobiya.

Doorashada maamulkan cusub ee loo sameeyay Golaha sare ee Arrimaha Islaamka Itoobiya ayaa kusoo hagaagaysa xilli muddooyinkii u dambeeyay uu khilaaf xooggan ka dhex jiray gudaha golahan, kaas oo saameyn wayn ku yeeshay arrimihii xajkan ee sannadkan.

Isu soo duuboo, arrintan ayaa laga yaabaa inay saameyn ku yeelato Xafiisyada Golaha Arrimaha Islaamka ee degaannada dalka Itoobiya, oo iyagana la filayo in maamulo cusub loo sameeyo, maadaama kuwa degaannada dalku ay si toos ah u hoos tagayaan Xafiiska Golaha sare ee Arrimaha Islaamka Itoobiya.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]