7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 18, 2022
Dowladda Itoobiya iyo tan degaanka Soomaalida oo si wada jir ah u dayactiraya guryo ay galaan dad danyar ah gudaha Jigjiga

Isniin, Luulyo, 18, 2022 (HOL) - Masuuliyiin ay kamid yihiin Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar, Afhayeenka Baarlamaanka Itoobiya Taggase Chafo ayaa maanta u dayactiray guryo ay galayeen qoysas danyar ah oo ku nool qaar kamid ah xaafadaha magaalada Jigjiga.

Arrintan dayactirka ah oo guryaha marka hore la duminayo kaddibna dib loogu dhisayo guryo kale ayaa ah Barnaamij ku cusub degaanka Soomaalida, kaas oo loogu dayactirayo guryaha ay deggan yihiin dadka danyarta ah, iyadoo lacagta ku baxaysa ay iska kaashanayaan dowlad degaanka Soomaalida iyo Xafiiska Baarlamaanka ee dalka Itoobiya

Dadka nasiibka u helay in guryahooda dayactir lagu sameeyo oo ka kooban qoysas danyar ah ayaa ka kooban ilaa 30 qoys oo kala deggan xaafadaha 2aad iyo 3aad ee magaalada Jigjiga.

Geestooda dadka danyarta ah ee dayactirka loogu sameeyay guryahooda ayaa soo dhaweeyay arrintan, iyadoo Xukuumadduna ay ballan qaaday inay joogtayn doonto arrimaha tabarucaadka ah ee dib loogu dayactirayo guryaha dadka danyartu ay deggan yihiin ee magaalada Jigjiga.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]