7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 18, 2022
James Swan: Qaramada Midoobay waxay diyaar u tahay inay taageerto dadaallada dimuquraadiyada Puntland

Isniin, Luulyo, 18, 2022 (HOL) - Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaaliya, James Swan ayaa maanta soo gabagabeeyay booqasho labo maalmood qaadatay oo uu ku joogay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Ergayga ayaa la kulmay madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, xubno ka tirsan golihiisa xukuumadda, wakiillo ka socday hay’adda Cilmi baarista (PDRC), guddiga doorashooyinka Puntland (TPEC) iyo hay'adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay.

Mr. Swan iyo madaxweyne Deni oo warbaahinta la hadlay, ayaa waxay sheegeen inay is dhaafsadeen sida ugu habboon ee loo horumarin karo geeddi socodka dowlad dhisidda Soomaaliya, maadaama hoggaan cusub ay yeelatay dowladda federaalka, iyo muhiimadda ku jirta wadashaqeynta isaga iyo dowlad goboleedyada.

Swan waxa uu hoosta ka xarriiqay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay inay taageerto dadaallada dimuquraadiyadeed ee Puntland, ka dib doorashooyinka dowladaha hoose ee sanadkii hore, 2021, wuxuuna ammaan u jeediyay Puntland sida ay uga go'an tahay in doorashada deegaannada la dardargeliyo.

Waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada gurmadka abaaraha.