7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 18, 2022
Shil diyaaradeed oo goordhaw ka dhacay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho
 

Isniin, Luulyo, 18, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhaw shil diyaaradeed uu ka dhacay gudaha garoonka.

Diyaarada shilka gashay ayaa la sheegay iney tahay mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda Jubba Airweys, taasoo uu shilkeedu dhashay xili ay soo caga dhiganeysay dhabaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in lasoo badbaadiyay dhamaan rakaabkii saarnaa diyaarada oo ahaa 33 ruux oo ay kasoo qaaday magaalada Baydhabo, islamarkaana aysan jirin khasaare dhaafsiisan burburka ku yimid diyaarada rakaabka ah ee ka midka aheyd diyaaradaha shirkadda Jubba Airways.

Waaxda dab damiska oo gaaray gudaha garoonka ayaa goordhaw ku guleystay iney damiyaan dabka ka kacay diyaarada, mana jiro wax war ah kasoo baxay hay’adda Duullista Rayidka iyo maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaase lagu wadaa in ay war kasoo saaraan saacadaha soo socda.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]