7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 18, 2022
Faahfaahino kasoo baxaya qarax Muqdisho lagula eegtay ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS
 

Isniin, Luulyo, 18, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo lala beegsaday kolanyo ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS oo maraayay agagaarka Isgoyska Cali Kamiin ee degmada Wartanabadda ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo jugtisa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, kaasoo la sheegay inuu ahaa miino la dhigay goob qashin yaalay oo wadada dhinaceeda ah, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi miino ee lala eegtay kolanyada ka tirsan ciidan Midowga Afrika ee ATMIS.

Ciidamada qaraxa qabsaday ayaa la sheegay iney rasaas farabadan fureen qaraxa kadib, taasoo iyana aanan la ogeyn khasaaraha ay geysatay, waxaana qaraxa kadib goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo xiray goobta qaraxa uu ka dhacay, hayeeshee markii dambe furay isku socodka wadada.

Kolanyada qaraxa lala eegtay ee ATMIS ayaa mudo ku dhaw 30 daqiiqo oo ay ku sugnayeen goobta uu qaraxa ku qabsaday kadib halkaasi kasii watay socodkoodii, waxaana haatan dib bilaawday isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha Isgoyska Cali Kamiin ee degmada Wartanabadda.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]