7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 18, 2022
Kooxda Ohio United oo ku guulaysatay Koobkii Todobaadka Soomaalida Toronta.

Isniin July 18  2022(HOL) Tartankii Ciyaaraha Kubadda Cagta ah oo uga socday Magaaladda Toronto ee dalka Canada 13 Kooxad oo kala yimi Canada ,Maraykanaka, iyo Ingiriiska ayaa shalay la soo gabagabeeyey tartankan oo la qabto sanad kasta hadeer oo kale ayaa sanadkaan ahaa kii 30aad ee la qabto.

Ciyaarahan sanadkaan 2022 ka waxaa gabagagadii isagu soo haray  Kooxda Ohio United oo ka dhisan Magaaladda Columbus & Kooxda Midnimo FC ee gobolka Minnesota

 waxaana 4 gool iyo 5  Rikoorayaal ah guushu ku raacday Kooxda Ohio United iyadoo ciyaartii caadiga ahaydna ku dhamaatay 2 iyo 2 


Waxaa shalay garoonka soo buux dhaafshay dadwaynaha dagan magaaaladda Toronto , waxaa Xusid mudan in sanadkaan Ururka TODAY ay ku casuumeen Gud. Xiriirka Kubada Cagta Dalka Soomaaliya Mudane Cali Shiino oo shalay Saxaafada Waqti kooban la hadlay isagoo u hanbalyeey ururkaan Today oo sanadguuradii 30aad u dabaaldagay & Kooxda Ohio oo sanadkaan ku guulaysatay Koobka Todabaadka Soomaalida Toronto, waxuuna Cali shiino sheegay in waraaqihiisii safarka uu dib dhac ku yimi jeclaana inuu qayb ka ahaado.

Macalin Tuke oo Koobka ku soo galbiyey Fardo ayaa garoonka soo soo galay, waxuuna ahaa shaqsigii gudoonsiiiyey Kooxda Ohio United koobkay ku guulaysteen, waxaana kaloo ururka TODAY ay shahaado sharaf Aqoonsi ah siiyeen Macalin Tuke oo ka mid ahaa tababarayashii ugu faca waynaa dalka Soomaaliya.


Cali Muudey oo gudiga farsamada ciyaarahan madax ka ah ayaa HOL u sheegay in uu ku faraxsan in ilaah ugu soo dhameeyey si farxad leh tartankaaan 2022 ka , waxuuna Cali Mudey oo ku hadlaayey magaca TODAY wuu u mahadceliyey ciyaartooyda dhalinyarada ah iyo kuwii magaca ku lahaa bari samaadkii dalka hooyo ee Soomaaliya oo sanad walba ka soo qaybgala ciyaaarahaan ,

Sanadkaan waxaa ka soo qaybgalay Macalin Shiino Guhaad , Daysane, Black , Mustaf Darwiish , Abdirizak Gorojo iyo aqiyaar kaloo badan oo ka yimi Magalaadda London , 


Siyad Said Salah

Hiiraan online

Toronto,Canada