7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 18, 2022
Ciidamada Danab oo howlgal ay ku dileen 5 ka tirsan Al-Shabaab ka sameeyay deegaanka Labakuus ee gobolka Jubbada Hoose
 

Isniin, Luulyo, 18, 2022 (HOL) - Ciidamada kumaandooska Danab ayaa weerar qorshaysan oo dhanka amniga ah oo lagu wiiqayo khatarta kooxda Al-Shabaab ka fuliyay deegaanka Labakuus ee gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda la weeraay ee Alshabab ah ay isbaaro u taalay deegaanka Labakuus, halkaas oo ay lacago uga qaadan jireen dadka iyo gaadiidka halkaasi mara, iyo sidoo kale “canshuur” ay ka qaadaan dadka xoolo dhaqatada ah ee deegaankaasi ku dhaqan.

Inta uu socday howlgalka ayaa la sheegay in lagu dilay 5 ka tirsan Al-Shabaab oo uu ku jiro hoggaamiyihii kooxdaasi u qaabilsanaa dhanka dhaqaalaha ee deegaanka Labakuus halka mid kale oo ka tirsan Alshabaaab ay gacanta ku dhigeen ciidamada Danab.

Ciidamada Danab ayaa sidoo kale ku guuleestay in ay gacanta ku dhigaan hubkii ay wateen Alshabab oo isugu jiray 4 qori oo AK47 ah, 1 qori oo nooca BKM-ka ah ee loo yaqaano, iyo daraasiin qalab kale oo hub ah.