1/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 17, 2022
Madaxweyne Xasan Sheekh "Kalsoonida buuxda ee aan ku qabno shacabka iyo dowladda Jabuuti ma jirto meel kale oo aan ku qabno"


Axad, Luulyo, 17, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si wadajir ah u qabtay shir jaraa’id oo ay si qotodheer leh uga hadleen ahmiyadda ay leedahay xoojinta xiriirka walaaltinnimo ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Labada Madaxweyne ayaa yeeshay kulan ay ku lafagureen adkaynta danaha ay wadaagan labada dowladood iyo xal u helida caqabadaha ka jira gobolka ayaa xusay in ay iska kaashan doonaan xoojinta amniga, wax wadaqabsiga, is dhexgalka dhaqaalaha iyo in si wadajir ah looga faa’iideysto fursadaha ka jira gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan Qaaradda.

“Maanta caalamka lama kala maarmo, sidaas awgeed Soomaaliya iyo Jabuuti waxa ay ku wada yaalaan Geeska Afrika oo fursado badan, duruufo iyo caqabado isku sidkan ay ka jiraan. Maaddaama gobolku uu istaraatiji iyo muhiim u yahay adduunka kale, waa in aan si wadajir ah uga tashannaa sidii aan wax ula wadaagi lahayn dalalka kale ee dariska nala ah, annagoo ka faa’iideysanayna khayraadka iyo dadkeenna firfircoon ee ka tilmaaman caalamka” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Jabuuti ay wadaagan taariikh, dhaqan, diin iyo dhiig, taas oo ka tarjumaysa garab istaagga iyo taageerada joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Jabuuti ay u muujiyeen dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda iskaashiga gobolku u leeyahay labada shacab.

“Waxa ka dhexeeya Jabuuti iyo Soomaaliya waa wax aan biri goyn, biyana aysan mayrin, cilaaqaadkaas walaaltinnimo ee ka dhexeeyana rukunnada aasaasiga u ah ee uu ku taagan yahay waa in la isku huro nafta, maalka, xoogga iyo caqligaba. Kalsoonida buuxda ee aan ku qabno shacabka iyo dowladda Jabuuti, ma jirto meel kale oo aan ku qabno, taas ayaa keentay in aan mar kasta halkan talo iyo khibrad u soo raadsanno” ayuu yiri madaxweyne Xasan

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa booqashada rasmiga ah ee ay ku yimaadeen dalka Jabuuti, isagoo tilmaamay in socdaalka Madaxweynuhu uu buddhig u yahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxesyay labada dal.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]